Restrictions for arrivals to Norway

Coronavirus vaccine/ Tallaalka koronaha

Sidaa ballan loo qabsada:

Wac tlf. 67 50 59 99 (taabo 1), ama u dir iimaayl vaksine@baerum.kommune.no

 Furan Isniinta-Jimacaha saacadaha. 9−15.

Adreeska/goobta

Xarunta tallaalka Bærum waxay ku taal Fornebu.

Adreeska waa Forneburingen 51, 1360 Fornebu.

Raac tilmaanta wadada ee «Talalka Bærum». Waxay leedahay meelo badan oo baarkin. Joogsiga baaska ee u dhow waa fornebuparken.

Xog wax ku ool ah

  • Xusuusnow inaad keento aqoonsi sax ah oo sawir leh.
  • Xiro dhar noo ogolaanaya inaan si fudud tallaalka ka siino gacanta sare.
  • Ilaali waqtiga ballanta.
  • Waad so wadan kartaa wheel umana bahnid wax dukumeenti ah, laakin xusuusnow in qofka la tallaalayo uu so qaato aqoonsi sawir leh.
  • Waad ku mahad santahay inaad qaadato tallaalka!

Ha imaan tallaalka haddii aad:

  • Leedahay astaamo hargab, qandho, ama calaamado kale cudur faafa.
  • Laga helay Covid-19 (Waa inaay ka soo wareegta ugu yaraan saddex toddobaad – talada wa saddex bilood – ka dib markaad ka kabsato Covid-19 iyo ka hor inta lagu tallaalin).
  • Lagu tallaay tallaal kale in ka yar 7 maalmood ka hor.

Macluumaadka ku saabsan tallaalka koronaha

Tallaalka 1aad iyo 2aad

  • Keliya Pfizer ayaa lo bixyaa tallaal asaasi ah.
  • Marka lagugu tallaalo tallaalka 1aad, dhowr usbuuc waa in ay kaa gudbaan ka hor inta aanad helin tallaalka xigo:
  • 3-12 usubuuc dadka da’doodu ka weyn tahay 18 sano
  • 8-12 Usbuuc dadka da’doodu u dhaxayso 5-17 sano
  • Haddii aad ka yar tahay 16 sano, weli waxaad u baahan tahay oggolaansho waalidkaaga markaad qaadanayso tallaalka. Waxaa taas ku samayn karaan iyaga oo buuxiya foomka oggolaanshaha ka hor inta aanu ilmuhu u imaan tallaalka. Fiiro gaar ah: labada waalid waa inay saxiixaan.

Tallaalka 3aad (tallaal dib-u-cusboonaysiin)

Tallaalka 3 aad ayaa lagula talinayaa qof kasa oo:

  • Da’doodu tahay 45 jir iyo ka weyn
  • Ku jira kooxaha halista ku yahay cudurka
  • Ka shaqeeyo caafimaadka iyo daryeelka

Dadka caafimaadka qaba ee da’doodu u dhaxayso 18 iyo 44 sano waxay sidoo kale heli karaan tallaalka dib-u-cusboonaysiin ah (Pfizer ama Moderna).

Ugu yaraan 20 usbuuc waa inaay ka soo wareegta tallaalka 2aad iyo kan 3aad.

Tallaalka 4aad (tallaal dib-u-cusboonaysiin)

Tallaalka 4aad ayaa lagula talinayaa qof kasta oo:

  • da’doodu tahay 65 sano ama ka weyn
  • Oo leh difaaca jirka oo aad u hooseya
  • Oo leh uur. Machadka caafimaadka dadweynaha Norway ayaa ku taliyay in haweenka leh uur ee ku jira usbuuca 14aad iyo ka badan la siiyo tallaalka dib-u-cusboonaysiin ah, maadaama ay tani tahay markay halis ugu jiraan cuduurro halis ah. Tani waa iyada oo aan loo eegin haddii ay hore u qaateen tallaalka aasaasiga ah ama ay hore u heleen tallaalka dib-u-cusboonaysiin ah.
  • Da’doodu tahay 18-64 sano oo aay ku jiraan kooxa khatarta ku jiro.
  • Waa dhalinyaro da’doodu u dhaxaysoo 12-17 jir oo qaba cudurro hoosee ee halis ah.

Dadka caafimaadka qaba ee da’doodu u dhaxayso 18 iyo 44 sano waxay sidoo kale heli karaan tallaalka dib-u-cusboonaysiin ah (Pfizer ama Moderna).

Ugu yaraan 4 bilood waa inaay u dhexeeysa tallaalka 3aad iyo kan 4aad.

Haddii oo kugo dhacay xanuunka covid-19, ugu yaraan 3 usbuuc waa inay ka soo wareegta ka hor tallaalka. Waxaad heli kartaa saamayn tallaal ee ka si wanaagsan haddii aad sugto in ka badan, dawlada waxay ku talinayaan inaad sugto 3 bilood.

Tallaalka 5aad (tallaal dib-u-cusboonaysiin)

  • kuwa hab-dhiskooda difaaca jirka aad u hooseya waxay u baahan karaan tallaal 5aad. Wac xarunta tallaalka wixi macluumaad dheeraad ah, tlf: 67 50 59 99.

Wax su’aalo ma ah ma qabtaa? wac tlf: 67 50 99 99.